Ciidammada Somaliland oo qabsaday Balli-Cad

Image caption Siyaasiga Cali Khaliif Gallayr ayaa maalmahan ku sugnaa deegaanka Balli-Cad

Wararka ka imanaya deegaanka Balli-Cad oo qiyaastii 70KM dhanka koonfur Bari ka xiga magaalada Buuhoodle, ayaa sheegaya in halkaasi maanta ay qabsadeen ciidamada Somaliland.

Balli-cad ayaa waxaa maalmahan ku sugnaa siyaasiyiin uu ka mid yahay Dr. Cali Khaliif Gallayr iyo madax dhaqameed kasoo jeeda gobolka Sool oo iyagu diidan gooni isutaaga Somaliland.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa BBC-da u sheegay in deegaanno ay ka mid tahay Balli-Cad ay ciidammadooda ku dhaqaaqeen ka dib markii sida uu sheegay ay dowladda Soomaaliya halkaa u dirtay kooxo khalkhal geliyay nabadgelyada Somaliland.

Dhinaca kale Garaad Abshir Saalax oo ka mid ah garaadada gobolkaasi ayaa BBC-da u xaqiijiyay in ciidammada Somaliland ay maanta barqadii qabsadeen deegaanka Balli-Cad.

Garaadka ayaa intaa raaciyay in asaga iyo Cali Khaliif Gallayr ay ka baxeen deegaankaasi.