Gargaar oo gaaray magaaladda go'doonsan

Baabuur Kolonyo oo ka kooban 50 baabuur oo waaweyn oo ah qeybtii labaad ayaa gashay magaalada go'doonsan ee Suuriya ee Madaya oo mucaaradku haystaan. Hase yeeshee Qaramadda Midowbe ayaa waxay ka digtay in xalka dhabta ah ee keliya uu yahay in go'doominta oo dhan laga qaado magaalada.

Weriyeyaasha maxalliga ah ayaa waxay sheegeen in dhowr qof ay halkaas gaajo ugu dhinteen dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Sida uu dhigayo heshiis la isla gaaray, kolonyo kale ayaa ku sii jeedda magaalooyinka woqooyiga ee Kefraya iyo Fuucaa oo ciidammada dowladdu ay go'doomiyeen.

Xiriiriyaha gargaarka badni'aadanimada ee Qaramadda Midowbe, Yacquub El Hillo, ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in go'doomintu ay dhammaato oo ah sida kaliya ee xalka dhabta ah ku jiro