UN oo eedeysay dowladda Burundi

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Burundi ayaa waxaa ka dhacay rabshado ayay dad ku dhinteen

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa sheegay inuu hayo caddeyn muujineysa in ciidammada Burundi ay kufsadeen haween, xilli ay baarayeen guryo looga shakiyay taageerayaasha mucaaradka.

Zeid Racad al Xuseen ayaa sheegay in markii uu socday howlgalkaasi ay ciidammada ammaanka afduubeen, jirdil u geysteen isla markaana dileen tobanaan dhalinyaro ah.

Waxa uu intaa ku daray in tacaddiyadaasi ay dhaceen waxyar ka dib markii ay xooggaga fallaagada weerarro ku qaadeen saddex saldhig oo ay ciidammada dowladda leeyihiin bartamihii December.

Sidoo kale waxaa jira eedeymo culus oo muujinaya in ay jiraan xabbaal wadareedyo.