Faransiiska: Shaqooyin loo abuurayo dhalinyarada

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Barnaamijkan shaqada loogu abuurayo dhalinyarada ayaa la filayaa inuu yareeyo shaqo la'aanta Faransiiska.

Madaxweynaha Faransiiska, ayaa ku dhawaaqay barnaamij shirkadaha yar yar iyo kuwa dhexdhexaadka hadii ay shaqaaleeyaan dhalinyarada shaqo la'aanta ay dowladda ka heli doonaan lacag.

Barnaamijka ayaa la filayaa inay ku baxdo lacag dhan laba bilyan oo Euros.

Qorshe laba sanno ah ayaa shirkadaha ay heli doonaan ilaa laba kun oo Euro, markii ay shaqo siiyaan qof dhalin yaro ah oo shaqo la'aan ah oo ay siiyaan kabadan lix bilood heshiis shaqo.

Lacagta ayaa sidoo kale lagu tababarayaa dadka shaqooyin. Madaxweyne Hollande ayaa sheegay in Faransiiska ay soo foodsaartay xaalad dhaqaale deg deg, ayna tahay in loo sameeyo hab dhaqaale iyo bulsho waddanka.