Nigeria oo baaraysa musuqmaasuq milatari

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Nigeria ayaa dhaqaalaheeda uu hoos u dhacay kadib markii uu shidaalkii raqiis noqday.

Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa amray baaris balaayiin dollar musuqmaasuq lagu tuhunsan yahay qaar ka mid ah milatariga iyo ciidamada cirka.

Talada ayaa katimid gudi loo sameeyay inay eegaan wax iibsiga milatariga ee ilaa 2007-dii ilaa 2015.

Nigeria ayaa la halgamaysa kooxaha islaamiyinnta Boko Xaraam ee jooga waqooyi bari waddanka.

Tusaale ahaan, gudiga ayaa ku eedeynaya ciidanka cirka inuu lacag ku bixiyay diyaarado ka badan inta ay heleen.

Xisbiga PDP, oo ku guul daraysatay doorashada sanadkii hore, ayaa ku eedeysay madaxweyne Buhari inuu dad raadsanayo.