Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jaamacadaha Soomaaliya oo batay

Hay'adda IFTIN ee ka shaqaysa arrimaha waxbarashada, ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay warbixin ay ka diyaariyeen tirada ardayda iyo kuliyadaha ay ka baxeen 21 jaamacadood ku yaala gobolada Konfurta, bartamaha iyo Puntland.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in sanad jaamacadeedka 2014-2015 ay ka qalin jabiyeen jaamacadahaasi 4,428 ardey kuwaas oo 1,519 kamid ah ay ahaayeen gabdho.

Sidoo kale waxa warbixinta lagu sheegay in goboladaasi ay ka jiraan lixdan jaamacadood iyadoo waliba magacyadooda la soo bandhigay.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, oo ka qaybgalay bandhigaasi ayaa waraystay Cabdiqaadir Macalim Maxamad, oo kamid ah saraakiisha Hay'adda IFTIN, wuxuuna marka hore weydiyay bal in uu faahfaahiyo warbixinta ay soo bandhigeen