Dagaal ka socda xeebta Liido

Lahaanshaha sawirka bbc
Image caption Xeebta Liido ayaa waxaa aad u isticmaala dadka reer Muqdisho

Ugu yaraan 20 qof, ayaa ku dhaawacantay, iyadoo tiro aan ilaa hadda la hubinna ay ku dhinteen weerar qaraxyo iyo rasaas isugu jiray, oo lagu qaaday maqaayadda Beach View oo ku taallay xeebta Liido.

Weerarka ayaa la xaqiijiyay in uu ku bilowday kadib markii rag hubaysan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 7 ay dhinaca xeebta ka soo galeen, oo rasaas ku bilaabeen maqaamiisha ku cawaynaysa maqaayadda.

Baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay iridka mid ka mid ah maqaayada Beach View ee xeebta Liido kadib rasaasta dhinaca xeebta.

Waxaa ka mid ah dadka booqda siyaasiyiin, qurba joog iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wixii faahfaahin ah kala socda BBC.