Britain: "Dil laga yaabo inuu abaabulay Putin"

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Alexander Litvinenko ayaa dhintay toban sano ka hor.

Britain ayaa ku eedeysay Ruushka inuu jabiyay sharciga caalamiga ah, kadib markii baaritaan la sameeyay lagu helay in Madaxweyne Putin laga yaabo inuu ansixiyay in la soo dilo nin u dhashay Ruushka oo u saqayn jiray sirdoonka Ruushka.

Alexander Litvinenko ayaa lagu sumeeyay radiactive polonium isagoo jooga London sanadkii 2006-dii.

Safiirka Ruushka ee London ayaa looga yeeray wasaarada arrimaha dibadda ee Britain si dowladda ay ugu sheegtosida ay uga xun tahay Ruushka sida uusan ula shaqayn baaritaanka intuu socday.

Kadib, safiirka Ruushka ayaa ku tilmaamay warbixinta baaritaanka inay tahay mid Ruushka looga xanaajinayo.