Senegal oo soo saartay qaab kahortag argagixisada

Senegal Police Lahaanshaha sawirka
Image caption Boliiska Senegal oo nabadgelyada sugaya

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Senegal , Abdoulaye Daouda Diallo, waxaa uu soo saaray tallaabooyin ay dowladdu ku dhaqaaqayso si looga hortago weerarrada argagixiso ee caasimadda Dakar.

Isagoo ka hadlayay baarlamaanka dalkiisa, Mr Diallo waxaa uu sheegay in ciidammo hubaysan oo la dhigayo dibadda hotel-ada waaweyn, hotel-ada yaryarna ay boliis tegi doonaan si ay u hubiyaan waxyaabaha ay nabadgelyada ugu tala galeen.

Wasiirku waxaa kaloo uu sheegay inuu waraaqo u kala diray dhammaan milkiileyaasha hotel-ada isagoo uga digaya inay dib u xoojiyaan ammaankooda haddii kale albaabada loo laabi doono.

Wasiirku waxaa uu baarlamaanka u tegay si uu uga jawaabo su'aalo ay weyniinayeen mudanayaasha oo ka walaacsanaa weerarradii dhowaan lagu qaaday caasimadaha dalalka Mali iyo Burkina Faso.