John Kerry oo ka walaacsan doorka Iran

Lahaanshaha sawirka bbc

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, John Kerry ayaa walaac ka muujiyay ku lug lahaanshaha Iran ee arrimaha Bariga Dhexe.

Isaga oo ka hadlayay dalka Sacuudi Carabiya oo wada hadalo uu kula yeeshay madaxda dalkaasi, ayaa Mr Kerry waxa uu tilmaamay taageerada Iran ee kooxda mintidka ah ee Lebanon ee Xisbullah, taasi oo taageerto Madaxweyne Asad dagaalka sokeeye ee ka socda Suuriya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Sacuudiga (Adel al-Jubeir), ayaa sheegay in dalkiisu uu la shaqeynayo Mareykanka sidii loo joojin lahaa waxa uu ugu yeeray gardarada Iran.

Washington waxay aad u dooneysaa inay ay ka hortagto in dhibaato dheeraad ah ay ku timaaddo hanaanka nabadda ee Suuriya, halkaasi oo labada dal ee Sacuudi Carabiya iyo Iran ay yihiin laba dal oo lug ku leh.