Sawirrada Liido oo qabsaday internet-ka

Dadka Soomaaliyeed ayaa bilaabay inay bogagga bulshada ay ku soo qoraan farriimo ah inay sii wadi doonaan booqashada xeebta Liido ee magaalada Muqdisho kadib weerarkii Khamiistii oo lagu dilay labaatan qof.

Boqolaal sawirro dad ku dabaalanaya xeebta, qaar kubbad ku cayaaraya iyo kuwo ku raaxeysanaya ayaa la soo geliyay bogagga internet-ka iyada oo la raaciyay calaamadda 'tweetlidopictures' oo micnaheedu yahay soo geliya sawirada Liido - waxaana ay ku muujinayaan in aanay cabsi gelin doonin weerarradaasi oo dadku ay noloshooda wadan doonaan.

Dhawr makhaayado laga cunteeyo iyo hotelo ayaa laga sameeyay meelaha u dhaw xeebta Liido tan iyo markii kooxda Islaamiga ee al-Shabaab ay isaga baxday magaalada Muqdisho shan sano ka hor.

Al-Shabaab waxay sheegtay in sababta ay u weerartay makhaayadaha ay tahay in ay yimaadaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.