Dad ku dhintay barafka ka da'aya US

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dadka ayaa loog digay inay dibadda usoo baxaan

In kabadan 85 milyan oo qof oo ku nool Mareykanka waxaa saameeyay baraf da'aya oo dabeylo ay wehliyaan oo ka socda gobollo badan.

Meelaha uu barafkan sida weyn u saameeyay waxaa ka mid ah Washington iyo New York.

Jidadka gawaarida, qadadka tareenada iyo gaadiidka hawada ayaa dhammaan waxaa curyaamiyay barafka, gobollada qaarna boqollaal kun oo qof ayaa koronto la'aan ah.

Waxaana arrintani saameyn weyn ku yeelatay gaadiidka bad, berri iyo cirba, iyadoo in kabadan 200 oo kun oo qof ay yihiin koronto la'aan.

Ilaa haatanna 13 qof ayaa la xaqiijiyay in ay u dhinteen sababo la xiriira barafkani.