Masar oo lagu eedeeyay ku xadgudubka xuquuqda

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption 1 bishii February ee 2011 kii, dhal;linyaro ku sugnaa Taxriir

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International waxa ay sheegeysaa in Masar ay saameyn ku yeelata dhibaateynta xuquuqul insaanka oo aad u wayn, Shan sano kaddib dibad baxyadii Xusni Mubaarak xilka lagaga tuuray.

Hay’adda waxa ay tilmaamtay in dhowaanahan laamaha amniga ay xoog ku galeen qiyaastii 500 oo kun oo guri oo ku yaalla qaahira.

Waxa ay baarayeen dad isu diyaarinaya inay jidadka isugu yimaadaan maanta oo isniin ah oo ku beegan maalintii la tuuray Mubaarak.

Amnesty waxa ay sheegtay in Masar ay isu badashay dalk Booliska ay maamulaan, ayadoo la xiray dad badan ama la qariyay, dhammaan isu soo baxyadana waala mamnuucay.