Adidas oo joojineysa caawinta ciyaaraha Fudud

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption IAAF waxaa lagu eedeeyay fadeexad inay qarisay

BBC ayaa waxa ay ogaatay in shirkadda dharka ciyaaraha soo saarta ee Adidas ay qorsheyneyso inay joojiso maalgashi malaayiin dollar ay ku baxdo oo ay kula jirtay hay’adda maamusho ciyaaraha fudud ee caalamka.

Arrintan ayaa waxaa sabab u ah fadeexadda daawada Doping ka ee awoodda jirka ciyaartoyda kordhisa ee hay’adda IAAF lagu eedeeyay.

Heshiiska oo 11 sano socon lahaa eek a dhexeeya IAAF iyo Adidas, ayaa waxa uu gaari lahaa illaa 2019 ka.

Laakiin waxaa la fahamsan yahay in Adidas ay go’aan adag ku gaartay in xiriirkaasi la joojiyo seddax sano ka hor xilliguu dhammaan lahaa, taas oo toos ugu wajahan natiijada fadeexadda.

Waxay arrintan daba socotaa warbixin lagu sheegay in xiriirka ciyaaraha fudud uu qariyay eedo la xiriira daawada mamnuuca ah oo dowladda Ruushka ay maalgelisay.

Laakiin maalgashiga Adidas waxa uu gaarayaa ugu yaraan seddax milyan oo dollar.

Labaduba, Adidas iyo IAAF kamaysan hadlin arrintan.