Barnaamij lagula dagaalamayo Malariyada

Lahaanshaha sawirka
Image caption Goarge Osborne iyo Bil Gates.

Wasiirka maaliyada ee Britain Goarge Osborne iyo maalqabaha Bil Gates ayaa ku dhawaaqay £3bilyan oo lagu maalgalinayo la dagaalanka malaria.

Britain ayaa ka bixin doonta £500m sanadkii lacagta ay ugu tala gashay gargaarka dibadda. Bil Gates Foundation ayaa bixin doonta $200M sanadkan, iyadoo deeq bixiyayaal kale ay bixin doonaan £110m shanta sano ee soo socata.

Ujeedada waxay tahay in la baa'biyo malariyada.

Tirada dadka ee u dhimanaya malaria ayaa hoos u dhacayso, laakiin ilmo ayaa u dhinta cudurka halkii daqiiqo Afrika.

Waxaa jiray 438,000 dhimasho malaria sanadkii 2015, carruurta intooda badan da'dooda waxay ka yarayd shan sano, sida ay sheegtay Hayadda Caafimaadka Adduunka ee WHO.