Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muqdisho: Shir looga hadlayo habka doorashada

Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir kale oo ku saabsan sidii doorasho uga dhici lahayd Soomaaliya sanadkan 2016.

Shirkii kan ka horeeyey ee Soomaalida isugu tagtay ayaan wax natiijo ah ka soo bixin.

Haddaba, shirka galabta ka furmay madaxtooyada Muqdisho waxaa madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha iyo madaxda maamul-goboleedyada dalka, kala qayb galaya oo ku wehliya wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mickeal Keating iyo wakiilada IGAD, AU iyo safiirada dalalka u dhuun-daloola arrimaha Soomaaliya.

Abdi Dahir ayaa waraystay Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Daud Aweis.