Daacish oo soo saartay muuqaalka weerarkii Paris

Image caption Cabdilxamiid Abulcud oo loo maleynayo inuu hoggaaminayay weerarka ayaa weli baxsad ah

Kooxda la baxday dowladda islaamka ayaa soo sartay muuqaal laga daawn karo raggii fuliyay weerarkii lagu qaaday magaalada Paris bishii Nofembar ee 2015.

Muuqaalka waxaa laga daawaday sagaal rag ah oo la sheegay inay uu fuliyeen weerarkii lagu qaaday Paris.

Muuqalkan waxaa laga arki karaa qaar kamid raggii weerarka ka dembeeyay oo qoorta ka jaraya maxaabis iyagoo tababar millitari ku qaadanaya bariga dhexe ka hor xasuuqi paris.

Muuqaalkan oo loogu magac-daray "ku dila halkaan ku aragtaanba" ayaa waxaa lagu soo gabagabaynayaa Baarlamaanka Britain oo cod tageera ah siinaya dowladda si ay u qaaddo weerarro cirka ka dhan ah Daacish.

Sagaal ka mid ah raggii weerarkaasi fuliyay ayaa weerarka ku dhintay ama waxaay geeriyooden kaddib marka uu weerarku dhacay.

Labo kamid ah ragga laga shakisan yahay ayaa weli baxsad ah.