Xasan Rouhani oo la kulmay madaxa Katooliga

Image caption Rouhani iyo madaxa Kiristaanka Katooliga Pope Farancis.

Madaxa Kiristaanka Katooliga ee Pope Francis ayaa waydiistay madaxweynaha Iran, Xasan Rouhani inuu la shaqeeyo waddamada kale ee Bariga Dhexe si ay nabada u dhiiri galiyaan iyo inay joojiyaan faafida argagixisada iyo hubka gobalka imanaya.

Dadka qaar ayaa aaminsan in Iran ay maalgaliso kooxo mintidiin ah, sida Xisbulah.

Iran ayaa sidoo kale qayb wayn ka qaadanayso dagaalka Suuriya, ciidamadeeda ayaa caawiyay madaxweyne Assad inuu xukunka sii hayo.

Raouhani oo booqanaya Yurub, ayaa Talyaaniga la saxiixay heshiisyo ganacsi oo balaayiin dollar ah.

Wuxuu booqan doonaa Faransiiska, halkaas oo la filayo inuu saxiixo heshiis ay Iran ka gadanayso Airbus in ka badan boqol diyaaradood.