Boqolaal qof oo lagu xiray Senegal

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption 900 oo qof oo lagu soo qabtay hawlgal argagixiso la dirir ah oo ka dhacay Senegal

Booliska Senegal ayaa sheegay inay ku xireen ku dhowaad 900 oo qof, hawlgal argagixiso la dirir ah.

Waxay sheegeen in xariggu uu ka dhacay maalmihii todobaadka ugu horreeyey magaalada caasimadda ah ee Dakar iyo magaalada u dhow ee Thies.

Ciidanka ammaanka ayaa heegan sare la geliyey tan iyo markii weerarka lagu qaaday horraantii bishan Hotel ku yaalla caasimadda Burkina Faso, halkaasoo soddon qof lagu dilay.

Todobaadkii hore ayaa wasiirka arrimaha gudaha ee Senegal wuxuu ka dalbaday dhamaan Hoteellada dalkiisa ku yaalla inay sare u qaadaan amamankooda ama ay wajihi doonaan in la xiro.