Baraasiil oo la dagaalamaysa cudurka Zika

Lahaanshaha sawirka Getty

Dawladda Baraasiil, ayaa sheegatay inay abaabulayso 220,000 oo askari si ay ula dagalamaan kaneecada faafinaysa cudurka Zika.

Ciidamada, ayaa ku wareegaya xaafadaha oo qaybinaya waraaqo ay ku qoran yihiin macluumaad la xiriira sida cudurkai Zika laysaga ilaalin karo.

Cudurkani ayaa lagu xiriiriyay kumaanan caruur ah, oo ku dhashay cudurka madax-yaraha.

Arrintani ayaa lagu dhawaaqay kadib markii Wasiirka caafimaadka ee Dalkaasi Marcelo Castro uu sheegay in dalkiisu uu ku fasahilmay in uu xakameeyo faafidda cudurka Zika.

Ma jirto wax dawo ah ama talaal loo hayo cudurka.

'Cadowga koowaad'

Mr Kastaro ayaa sheegay in ciidmada la diri doono 13 Febraayo si ay u qaybiyaan waraaqo macluumaad ku yalaan islamrkaana ay dadka talooyin u siiyaan si loo cirib tiro meelaha kaneecadu ka dhalato.

Wuxuu u sheegay jariirada O Globo in faafista cudrkain ZIKA fayrus ay tahay mid ka mida dhibatooyinka ugu waaweyn ee caafimaad ee abid ka dhaca Braasiil.

Dagaalka lagula jiro Zika wuxuu guulaysan karaa oo kaliya haddii dadweynuhu uu ka qaybqaato in la ciribtirka kaneecada Aedes Aegypti, oo iyadu gudbisa cudurkani ayuu yidhi Kaastaro.

Wuxuu intaa ku daray in kaneecada oo cudurro kale oo badan faafisa ay tahay "cadawga koowaad"

"Sanadkii hore tiradii ugu badnayd ee cudurka duumada faafitaankeeda ayaa na soo maray si aan horay loogu arag taariikhda Brazil," ayuu yiri.

Waxaanu ku fashilaya dagaalka lagula jiro kaneecada.

  • Waxaa fidisa kaneecada Aedes aegypti, oo cuduro kalena faafisa sida Dengue iyo xumada loo yaqaan Yellow Fever
  • Markii ugu horeysay waxaa lagu arkay Afrika 1940-kii laakiin hadda wuxuu ku faafay Latin America
  • Saynisyahanadda, ayaa aaminsan in cudurku sabab u yahay caruurta ku dhalanaysa Maskaxad yar
  • Xoogaa xummad ah ayuu yeelan karaan, lakiin dadka badankisu maba dareemaan, ma jirto dawo loo hayo ilaa hadda.
  • Sida kaliya ee la isaga ilaalin karaa waxay tahay in lala dagaalamo kaneecada iyo biyaha fadhiya ee ay eegato iyo inaad maro kaneeco isticmaasho.

Hay’ada caafimaadka ee Addunka WHO, ayaa ka digtay in cudurkan Zika laga yaabo inuu ku fido dhaaman qaaradda Ameerika.

Astaamihiisa ka mid ah xumad fudud, madax xanuun. Faysruskan, ayaa lagu arkay 21 dal oo Kareebiyanka ah iyo waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika.

Waxa ugu weyn ee masuuliyntu ka waalacsan yahiin ayaa ah dhibaatada cudurka u gaysto caruurta uurka ku jirta.

Baraasiil, ayaa waxaa lagu arkay korodh aada oo caruurta dhalatya iyadoo masakaxdu yartahaty . wadadmo kale oo ameerika ahna waxay dumarka kula taliyeen in dib u dhigaan uuraysiga .

Barasiil 3,893 ayaa ku dhsahay xaalad laga soo bilaabo Oktoobar iyadoo awalna ay isku celcelsi sanadkii ahaan jireen 160 qudha.