Xus loo samaynayo Ciidamada Kenya

Lahaanshaha sawirka Reuters

Madaxweynaha Nigeria, Muhamadu Buhari, iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Axmed, ayaa ka qaybgalaya maanta munaasabad lagu xusayo ciidamada Kenya ee ku dhintay weerarkii Alshabaab ee Soomaaliya.

Munaasabada ayaa waxay ka dhacaysaa magaalada Eldoret, halkaas oo ay ka imaadeen ciidamada Kenya ee ku dhintay Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaan wali sheegin tirada ciidamada ee uga dhimatay weerarka Alshabaab ee saldhiga Ceel-Cadde laba toddobaad ka hor.