Liverpool oo gaartay finaalka League Cup

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Kooxda Liverpool ayaa gaartay finaalka koobka League Cup

Garoonka Anfield ee magaalada Liverpool waxaa xalay cayaar ka tirsanayd koobka Capital One oo ahayd lugtii labaad ee semifinalka isaga hor yimid Liverpool iyo Stoke city.

Horay waxaa 1-0 lugtii 1aad ugu soo badisay Liverpool.

Qaybtii hore ee cayaarta waxaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hogaaminaysay Stoke oo uu dhamaadka qaybtii hore goolka u dhaliyey Marko Arnautovic.

Qaybtii labaad waxay ku dhamaatay isla 1-0 kii. Maadaama celceliska labada cayaarood ay barbarro 1-1 ah noqdeen ayaa 30 daqiiqo oo dheeraad ah lagu daray, ayadoo aysan labada kooxood waxba kala dhalin, waxaana la isla tegey rigooreyaal.

6-5 waxaa ku badisay Liverpool oo u soo baxday cayaarta kama dambaysta ah ee koobka Capital One.

Caawana waxaa isla koobka Capital One isaga hor imaan doona garoonka Itixaad Manchester city iyo Everton.

Cayaartii hore u dhex martay waxaa 2-1 ku soo badisay Everton.