Laurent Gbagbo oo maxkamad u bilaabatay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Laurent Gbagbo

Madaxweynihii hore ee Ivory Coast, Laurent Gbagbo, ayaa sheegay inuusan danbi ku lahayn danbiyo bini'aadanada ka dhan ah ee bilowga dacwad uga bilaabantay Maxkamada Caalamiga ee Danbiyada.

Mr Gbagbo ayaa loo haystaa danbiyo la xariira dagaal ka dhashay doorashadii 2010-kii oo ay ay ku dhinteen saddex kun oo qof.

Dagaalka ayaa ka bilaabmay kadib markii uu diiday inuu xukunka ka dago, markii doorashada uu ku guulaystay Alassane Ouattara.

Taageerayaasha Mr Gbagbo ayaa sheegay inkastoo ay labada dhinac danbi galeen, in taageerayaasha madaxweyne Ouattara aan danbi lagu soo oogin.