Wadahadallada nabadda Suuriya oo furmaya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Steffan de Mistura ayaa ku baaqay in aanay guuldareysan wadahadallada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in wadahadallo nabadeed oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka ka socda Suuriya ay sidii qorshuhu ahaa bilaaban doonaan maanta oo Jimco ah.

Arrintaas oo uu xaqiijiyey xafiiska ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya Steffan de Mistura, ayaa timid ayadoo weli ay jirto hubaal la'aan ah in shirka ay ka soo qayb gali doonaan dalladda ugu weyn mucaaradka.

Ayadoo haddaba magaalada Geneva lagu sii qulqulayo, ayuu Mr. De Mistura wuxuu farriin video ah u diray shacabka Suuriya. Wuxuu ku sheegay in loo baahan yahay in wadahadalladan aysan guul darraysan.

Xasilooni darada Suuriya ayaa bilaabatay horraantii kacdoonkii Carabta ee sanadkii 2011ka, waxa ayna arrinta marka hore ku bilaabatay dibadbaxayo wadanka oo dhan hareeyay oo looga soo horjeeday dowladda madaxweyne Bashar Al-Assad.