Zika oo ku faafaysa adduunka

Lahaanshaha sawirka EPA

Saddex ilaa afar milyan oo qof ayaa qaadi doona viruska Zika, sida ay sheegtay Hayadda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Dadka intooda badan ayaan isku arkayn calaamado, laakiin ilamaha uurka ku jira ayuu maskaxda ka saamaynayaa.

Agaasimaha WHO Dr Margret Chan ayaa sheegtay Zika inay ka gudubtay qatar fudud oo ay noqotay qatar laga walwalo.

Waxay abaabushay gudi deg deg ah oo qaabilsan Zika kadib markii ay ku faaftay waddamo badan.

Waxay kulmi doonaan Isniinta si go'aan looga gaaro in Zika loola dhaqmo si degdeg ah oo caalami ah.

Markii ugu danbaysay ee lagu dhawaaqay xaalad deg deg ah oo caalami ah waxay ahayd markii uu ka dilaacay cudurka Ebola Galbeedka Afika oo ay ku dhinteen in kabadan 11,000 oo qof