Taleban oo dhul badan xukuma.

Sarkaal sare oo amerikaan ah ayaa sheegay in ururka Taleban inuu iminka xukuma saddex meelood oo meel dalka afghanistan.warbixin uu siiyey Congress ayaa kormeeraha guud ee dib u dhiska Afghanistan John Sopko wuxuu ku sheegay in xaaladu ay sii xumaneyso,saadaashuna aanay wanaagsaneyn.

wuxuu sheegay in Taleban ay hadda xukumaan dhul ka badan intii ay xukumeen waqtigii ciidamada US ay xukunka ka rideen Taleban 2001.wuxuuna sheegay in aysan suuragal ahayn in dad badan oo American ah iyo xataa qaar ka mid ah saraakiisha Afghanistan aysan tagi karin goobaha magaalooyinka ka baxsan si ay u soo kormeeraan mashaariicda dib u dhiska.