ICC oo dhagesatay eedaha Gbabgo

Lahaanshaha sawirka

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa dhageysatay in madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast Laurent Gbagbo uu oggolaaday in haween lagu dilay banaan baxyo nabad ah oo dalka ka dhacayey markii uu Gbagbo xukunka isku adkeynayey kadib doorashadii 2010.

Maxkamadda ICC ee magaalada hague waxaa la soo hor dhigay sawiro argagax leh oo muujinaya dumar dhintay oo garyaqaanka maxkamaddu uu sheegay in ay haweenka toogteen ciidankii difaaca iyo nabagsugidda ee Mr Gbagbo.

Dalka Ivory Coast,dad ka badan saddex kun qof ayaa ku dhintay qulqulatooyinkii dhacay doorashadii guud kadib.