Shirka nabadeynta Syria.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Wafdiga matalaya dawladda madaxweyne Asad ayaa wada hadalo kula leh Geneva ergeyga gaarka ah qaramada midoobay ee Syria.waxay ka dhigan tahay bilowga wax ay QM rajeyneyso wada xaajoodka lagu soo af jari doono collaada Syria.

Hase ahaatee wali waxaa jirta hubaal la'aan ah in kooxaha waweyn ee mucaradka ay ka qayb galayaan wada hadalada.waxay dalbanayaan in marka hore la joojiyo duqeynta goobaha rayidka.

Wada hadala nabadda Syria waxay ka dhasheen dadaal xoog leh oo diblomasi oo muddo u dhexeeyey dhinacyada ay khuseyso collaada Syria ee gudaha dalka ku dagaalamaya iyo shisheeyaha kala taageeraya dhinacyada Syria,waxaana iminka uu sheegayaa ergeyga Qaramada Midoobay ee Syria Steffan de Mistura in waxas oo dadaal ah oo la soo maray aan la oggolaan doonin wada hadaladu in ay burburaan.