Sir ay Hilary Clinton lahayd oo la helay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Clinton waxay dooneysaa in sirta lasoo bandhigo

Waxaa markale shaaca laga qaaday email ay isticmaaleysay xoghayihii arrimaha dibadda ee Mareykanka Hilary Clinton.

Arrintan waxay imaaneysaa seddax maalin ka hor codeyntii ugu horeysay ee ay ku dooneyso inay ku hesho guusha ay ugu tartamayso madaxweynaha Mareykanka.

Waaxda arrimaha dibadda waxa ay sheegeysaa in waxyaabo sir ah in laga helay todobo silsilado emailo ah oo ay kayd gaar ah u adeegsanaysay.

Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda ayaa sheegay in 22 dikumiinti la helay.

Wuxuuna yiri “lama daabicidoono qaybtan emaillada ah ee Mrs Clinton ay lahayd”.

Waxaa ka mid ah sida afhayeenka uu sheegay, akhbaaraad la xiriira sir aad u heersareysa.

“Akhbaaraadkan laguma cadeynin xilliga ladiray”, ayuu yiri. Laakiin waaxda arrimaha dibadda waxa ay baarayaan inay muhiim ahayn in la diro.

Muranka ka dhashay in Mrs Clinton ay isticmaasho email gaar ah xilligii ay xoghayaha ay ahayd waxa ay dhibaato gaarsiisay ololaha ay ku dooneyso inay madaxwayne noqoto.

Shaac ka qaadistan cusubna waxa ay imaaneysaa xilli ay isu diyaarineyso codeyn muhiim u ah.

Ololeheeda waxay ku sheegtay “tusaalaha aan kala sooca lahayn ee orodka baacshashada”. Waxayna dalbaneysaa in fariimaha la shaaciyo.