MSF: 16 qof oo macluul ugu dhimatay Madaaya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaya dhowaantan ayaa rashiin gargaar ah la gaarsiiyay

Hay’adda caafimaadka ka shaqeysa ee MSF, waxa ay sheegaysaa in 16 qof ay ku dhinteen magaalada go’doonsan ee Madaya ee dalka Suuriya.

Bishii la soo dhaafay ayaa magaaladaasi loo ogolaaday in gawaari sidda raashiin gargaar ah ay galaan.

Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF waxa ay tilmaamtay in inkabadan 300 oo kiis oo nafaqo la’aan ah laga helay magaalada.

Waxa ay intaa raacisay hay’adda, in 30 ka mid ah dadkaas ay halis ugu jiraan inay dhintaan.

Warbixin ay soo saartay hay’adda ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli ay socdaan wadahadallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Suuriya.

Wadahadallada ayaa waxa ay ka socdaan magaalada Geneva, waxaana ka qeybgalaysa ergooyiin dalal kala duwan ka socota.

Wafdiga kooxda mucaaradka uga qeybgalayo kullanka ayaa galabta la filayaa inay Geneva gaaraan.

Mucaaradka ayaa Jimcihii diiday inay shirk aka qeybgalaan, ayagoo shuruudo kala duwan ku xiray.