Kulanka Ururka Midowga Afrika iyo Burundi

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kullanka AU galabta ayaa la filayaa inuu soo dhammaado

Afhayeen u hadlay Ururka Midowga Afrika ayaa sheegaya in ciidamo Nabad Ilaalin ah aysan u diridoonin dalka Burundi ilaa inta dowladda ay bedeleyso mowqfikeeda oo ay ogolaaneyso in ciidamo la geeyo.

Ergeyga Gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika oo gobolka Harooyinka Waaweyn, Ibrahima Fall ayaa sheegay in aysan marnba hore u aheyn qorshaha Ururka Midowga Afrika in ay ciidamo Nabad Ilaalin ah geyso dalkaasi dowladda oo ogolaate mooyee.

Kulanka madaxda Ururka Midowga Afrika ayaa looga baaraandegayaan in ciidamo nabad ilaalin ah oo gaaraya 5 kun oo askari in loo diro dalka Burundi si la isugu dayo in la joojiyo rabadaha Burundi ka socodo mudo bilo ah.

Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa sheegaya in uu arkayo colaad haddii ay ciidamo ka socda Ururka Midowga Afrika soo farogaliyaan dalkiisa.

Go'aanka Mr. Nkurunziza uu sanadkii hore ku gaaray in uu xili seddexaad u tartamo jagada madaxtinimada ayaa kiciyay rabshadaha hadda jira kuwaas oo ay lagu dilay in ka badan boqolaal qof oo rayid ah.