Qaraxa Suuriya oo la cambaareeyay

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub, ayaa sheegtay qaraxyo bambaano oo ka dhacay Axadii magaalada Dimishiq, oo ay ku dhinteen in ka badan 50-qof, in loogu talagalay in lagu carqaladeeyo shirka wadahadalada nabadda Suuriya oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay

Laakiin Federica Mogherini, oo ku sugan Geneva si ay uga qeybgasho wadahadalada ayaa sheegtay in ay dhiiragelin tahay in xubnaha mucaaradka Suuriya ay go’aan ku gaareen in ay ka soo qeybgalaan wadahadalada.

Bashar al Jaafari, oo horkacaya ergeda dowladda uga qeybgalaysa shirkan, ayaa sheegay in weerarku uu xaqiijinayo xiriirka ka dhaxeeya mucaaradka iyo argagaxisada.

Qaraxyada ayaa ka dhacay meel u dhow goob ay ku cibaadeystaan Shiicada.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Suuriya Staffan de Mistura, ayaa la filayaa in Isniinta marka hore uu wadahadalo la yeesho dadka matalaya dowladda, markaa kadibna ay is arkaan kooxaha u jooga halkaasi mucaaradka.

Dhanka kale xog-hayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa ugu baaqay labada dhinac ee salka uu kuhayo dagaalka in ay ka faa’ideystaan fursda lagu soo afjarayo dhiiga daadana.