Qof lagu dilay magaalada Boosaaso

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari - kadib markii dad dhigayay dibed bax ay maamulka kaga soo horjeedaan ay isku dhaceen ciidamada ammaanka ee Puntland.

Dadka oo taayeero ku gubay magaalada Boosaaso ayaa wararku sheegayaan inay dhaliilsanaayeen maamulka gobolka.

Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa booliiska Boosaaso.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa boggiisa twitter waxa uu kaga codsaday in dhinacyada ku lug lahaa rabshadahaasi Boosaaso maanta ka dhacay ay muujiyaan degenaan - waxaana QM ay sheegtay inay cambaareeyneyso nooc walba oo rabshado gacan ka hadal ah.