Wadahadalada Britain iyo Midowga Yurub

Madaxweynaha gollaha Yurub ayaa sheegaya in uu si wanaagsan u socdo wadahadalada ku saabsan mustaqbalka Britain ee ka sii mid ahaansahah Midowga Yurub, uuna miiska soo saarayo hindise maalinta Arabacada ah.

Laakiin Donald Tusk, ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in weli ay jiraan arrima taagan.

Labada dhinac ayaa ku howlanaa wadahadalo culus tan iyo Sabtidii.

Mid ka mid ah hindisayaasha dooda badan dhaliyay ayaa ah qorshaha London ee xaddiyada lacagaha faa’iidooyinka ee muwaadinka u dhashay dalalka kale ee Midowga Yurub ee ka shaqeeya Britain.

Britain ayaa la filayaa in ay qabato afti ku saabsan xubinimada Midowga Yurub.