Castro oo booqanaya Faransiiska

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa booqday Cuba bishii May.

Madaxweynaha Cuba Raul Castro ayaa booqasho laba maalmood ku jooga Faransiiska, booqashadiisii ugu horaysay ee qaran ee uu ku yimaado Yurub tan iyo intii uu xukunka kala wareegay walaalkii Fidel Castro 2006-dii.

Waxuu la kulmi doonaa madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, oo booqday Cuba bishii may ee sanadkii hore.

Waxaa la filayaa labada hogaamiye inay saxiixaan heshiisyo ganacsi oo muhiim ah.

Booqashada ayaa loo arkaa inay ka mid tahay dadaalka ay Cuba ugu jirto inay ku xoojiso xiriirka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay la leedahay waddamada reer galbeedka, kadib markii ay soo celisay xiriirkii diblomaasi ee ay la lahayd Maraykanka sanadkii hore.