Iran oo loo fasaxay balaayiin dollar

Lahaanshaha sawirka Getty

Iran ayaa sheegtay in loo fasaxay inay hesho in ka badan boqol bilyan oo dollar, oo laga xayiray markii ay saarnayd cuna qabataynta Qaramada Midoobay ee la xiriirtay barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Lacagta la fasaxay waxaa ka mid ah lacag shidaalkii ay ka iibisay waddamada Shiinaha, Hindiya, Japan iyo Kuuriyada koonfureed.

Cunaqabataynta Iran ayaa la qaaday kadib markii ay heshiis la gashay waddamada ugu xooga wayn adduunka.