Sacuudiga ma maalgaliyay Al-Qacida

Lahaanshaha sawirka PA

Dalka Sacuudi Carabia ayaa qiray in hannaanka dhaqaale ee dalkaasi loo isticmaalay in lacago ballaayiin ah loogu ururiyo Al-Qacidada dalka Afghanistan.

Wareysi uu siiyay barnaamijka HardTalk ee BBC, ayaa afhayeenka wasiirka arrimaha guddaha ee dalkaasi ,Major General Mansour al-Turki, waxa uu ku adkeystay in Sacuudigu uuna maalgalin hay’ad aragagaxiso.

Balse waxa uu sheegay in shaqsiyaad ay ku qanciyeen dadka in ay lacag tabarucaad ah bixiyaan iyaga oo marmarsiinya ka dhiganaya in ay u isticmaalayaan qaab samafal ah.

Waxa uu sheegay in dowladda dalkiisa ay tallaabo ka qaday markii ay u cadaatay in lacagahaasi si qaldan loo isticmaalay.