Horyaalka Ingariiska oo caawa la ciyaarayo

Lahaanshaha sawirka Reuters

Caawa waxaa si ka duwan maalmaha Sabtida iyo Axadda la dheeli doonaa kulamo ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga.

Ciyaarahaasi ayaa intooda badan waxa ay dhici doonaan 11ka habeenimo xilliga Bariga Afrika oo dhiman 15 daqiiqo.

Arsenal waxa ay garoonkeeda Emirates ku martigalinaysaa kooxda Southampton.

Leicester City oo sanadkan wacdaro dhigaysay hogaankana u haysa horyaalka Ingiriiska ayaa waxa ay la ballansan tahay kooxda Liverpool.

Norwich Cityna wax ay la ciyaaraysaa Tottenham Hotspur, Sunderland oo ay xaaladdu maalmahan ku xun tahay waxa ay ka hor imanaysaa kooxda Manchester City oo uu tababare xagaaga soo socda u noqon doono tababaraha weyn ee Pep Guardiola.

West Ham United iyo Aston Villa oo ah kooxda ugu hooseysa horyaalkana waa ay wada ciyaarayaan.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford waxa ay kula dheeli doontaa kooxda Stoke City.

Crystal Palace iyo Bournemouth ciyaar ayaa dhexmari doonta, halka West Bromwich Albion iyo Swansea ay wada dheeli doonaan.