WhatsApp oo gaaray Bilyan maalintii

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Adeega fariimaha Mobileka ee WhatsApp ayaa gaaray hal bilyan oo qof bishii.

App-ka oo uu leeyahay Facebook ayaa ka hormaray massenger app-ka fariimaha mobilke ee Facebook, taasoo gaarta 800 milyan oo qof bishii.

Shirkada Facebook ayaa sheegtay in 42 bilyan oo fariimo iyo 250 milyan oo Video la isugu diray WhatsApp maalintii.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Laakiin dadka qaar ee ka faalooda arrinta ayaa sheegay in WhatsApp ay wali ka danbayso tartanka suuqyada qaar.

WeChat ee Shiinaha ayaa leh in ka badan 500 oo qof oo isticmaala, halka Line ay dad badan isticmaalaan Japan, iyo Kakao Talk oo aad looga isticmaalo Kuuriyada Koonfureed. Laakiin WhatsApp ayaa ah mida ugu isticmaalka badan caalamka.

Taas waxaa ugu wacan sida ay xooga u saartay isgaarsiinta, iyadoo bixisa isgaarsiin raqiis ah oo shaqaynaysa".

WhatsApp ayaa hadda iska daysay lacagtii ay ka qaadi jirtay macaamiisha sanadkii.

Facebook ayaa ku iibsatay WhatsApp 2014-kii $19 bilyan.