Darbi loo samaynayo ammaanka Baqdad

Lahaanshaha sawirka AFP Getty

Dowladda Ciraaq ayaa bilowday inay dhisto darbi ay ku soo wareejinayso magaalo madaxda Baqdad, si ay ammaanka u sugto. Ujeedada darbiga ayaa ah si looga hortago kooxda IS inay weerar ku qaadaan magaalada.

Darbiga ayaa yarayn doona meelaha magaalada laga soo galo wuxuuna fududayn doonaa in la baaro baabuurta.

Mintitiinta IS ayaa mar walba weerara Baqdaad, bishii hore ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan siddeed iyo toban qof weerar lagu qaaday xarun dukaamo.