Buhari oo ka digay Libya

Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxweynaha Nigeria Muhamadu Buhari, ayaa ka digay ammaan darida ka jirta libya ay abuurayso qatar ku soo socota Afrika iyo Yurub.

Isagoo ka hadlaya baarlamaanka Yurub ee Strasbourg, Mr Buhari ayaa ka hadlay suuq hub ee koonfurta Libya inay saamaynayso gobolka.

Wuxuu ku baaqay in la kordhiyo dadaalka xal loogu helayo dowlad la'aanta Libya, halkaas oo kooxda IS ay qabsatay goobo.