Xi Jinping oo ku baaqay isbadal dhaqaale

Lahaanshaha sawirka Reuters

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ku baaqay isbadal dhaqaale iyo milatari. Isagoo ka hadlaya sanadka cusub ee shiinaha ka hor booqasho uu ku tagay gobolka Jiangxi.

Mr Xi ayaa sheegay warshadaha aan si fiican u shaqaynayn in la xiro iyo in maalgashiga loo jaho warshado nadiif ah oo aan wasaqayn cimilada.

Wuxuu intaas ku daray in xooga lasaaro in la hormariyo ganacsiga adeegyada. Dhaqaalaha Shiinaha ayaa hoos u dhacay, iyadoo sanadkii hore uu gaaray meeshii ugu hoosaysay.