Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi maamulaha Daallo

Dayaaraddii shirkadda Daallo ee talaadadii intay ka duushay Muqdisho iyadoo hawada mareysa wax ku qarxeen oo hal haleel ugu soo noqotay isla airport Muqdisho.

Guddiga dawladda Soomalia ay u saartay ayaa wali baaritaan wada, Agaasimaha guud ee shirkadda Daallo Maxamed Ibraahim Collaad oo UAE jooga, ayaa ka waramay dhowr qodob oo muhiim ah ee waxyaabihii u dambeeyey ee ilaa iminka ka soo kordhay arrinka diyaaradii Daallo.