Saldhiga ugu wayn korontada qoraxda oo la furay

Saldhig laga sameeyo korontada qoraxda ee adduunka ugu wayn ayaa si rasmi ah looga furay Morocco. Saldhiga oo ku yaala saxaraha koonfur bari Casabalanca ayaa soo saari doona shan boqol oo megawatts markii la wada dhamaystiro.

Waxaa loogu talagalay inay kaydiso tamarta markii aysan qoraxda jirin.

Waxay qaadanaysaa laba saac inaad ku socoto saldhiga dhexdiisa oo ka kooban nus milyan muraayado qoraxda soo jiita si uu tamar u sii gudbiya mashiino tamarta gudbiya.