TPP oo lagu saxiixay Auckland

Lahaanshaha sawirka AP

Heshiiska TPP oo ka mid ah heshiisyada gananacsiga ee ugu wayn ayay ku saxiixeen laba iyo toban waddan New zealand.

Heshiiska Auckland ee TPP ayaa laga soo shaqaynayay shan sano. Laakiin waxaa horyaala dhib

Laba iyo tobanka waddan ee saxiixay ayaa dhaqaalahooda uu u dhigmaa 40% dhaqaalaha adduunka, waxayna haystaan laba sano inay heshiiska ku ogolaadaan ama ku diidaan.

Dalalka TPP xubinta ka ah waxaa ka mid ah Maraykanka, Japan, Malaysia, Vietnam, Singapore, Brunei, Australia, New Zealand, Canada, Mexico, Chile iyo Peru.

Dadka ka soo horjeeda heshiiska ayaa waxay ka cabsi qabaan in shaqo la'aan ay ku dhacdo.