Gudi UN: Assange xorriyadiisa hala siiyo

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Assange ayaa ku nool safaaradda Ecuador ee UK

Gudi sharci oo ay samaysay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ninka asaasay barta internetka ee Wikileaks, Julian Assange, loo ogolaado xorriyadiisa isla markaana magdhow laga siiyo “xorriyadii laga qaaday”.

Mr Assange ayaa sanadkii 2012 isu dhiibay safaaradda Ecuador ee magaalada London si uu uga baaqsado in loo gacan geliyo dalka Sweden, oo looga haysto eedeymo xadgudub galmo ah.

Xafiiska arrimaha dibedda ee UK ayaa sheegay in warbixinta gudiga aanay waxba bedelayn, isla markaana uu si rasmi ah uu uga horimaan doono.

Xoghayaha arrimaha dibedda, Philip Hammond, ayaa sheegay in fikirka gudiga uu yahay mid lagu qoslo, Mr Assange-na uu yahay nin baxsad ka ah cadaalada.

Booliska ayaa sheegay in ay xiri doonaan haddii uu Mr Assange kasoo baxo safaaradda.