EAC: Burundi lagama saarayo dalalka Bariga Afrika

Lahaanshaha sawirka
Image caption Madaxda dalalka Bariga Afrika ayaa qeyb ka mid ah go'aanka loo gudbin doonaa

Golaha sharci dejinta ee Bariga Afrika, ayaa sheegay in Burundi aan laga saareynin ururka.

Go’aanka ayaa soo baxay kaddib markii ururka qareenada ee Pan-Afrika iyo ururada bulshada rayidka ah ee Bariga Afrika, ay gudbiyeen mooshin ah in Burundi laga joojiyo qabashada hogaanka ururka Bariga AFrika, illaa dalkaasi uu joojinaayo qalalaasaha dalkaasi ka taagan eek a dhashay in Madaxweyne Nkurunziza uu marsedaxaad uu xilka qabto.

Kaddib lix sacadood oo dood ah, guddiga arrimaha gobolka iyo xallinta qalalaasaha waxa ay gudbiyeen warbixintooda dhageysiga dadweynaha ee ah dacwad ay soo gudbiyeen Qareenada Pan-Afrika iyo ururada bulshada rayidka ah eek u saabsan sii xumeynta xaalada aadanaha.

Ururada soo gudbiyay dacwadda waxa ay dalbanayeen in tallaabooyiin badan la qaado, sida in Burundi laga saaro ururka dalalka Bariga Afrika iyo in cunna qabateyn la saaro.

Abdullah Mwinyi, oo ah gudoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka ayaa waxa uu sheegay in Bariga Afrika aysan dan ugu jirin in Burundi ururka laga saaro.

Talooyiinka kale ee la taageeray waxaa ka mid ah, in la ballaariyo awoodda dhexdhexaadinta iyo in dhaqaalaha loo kordhiyo howlgalka xaqiiqo-raadinta ee Burundi.

Qodobadaasi la aqbalay waxaa loo gudbin doonaa shirka golaha wasiirada ee Bariga Afrika, ka hor intaan la gudbinin kullanka madaxweynayaasha.

Isbuucii la soo dhaafay, Midowga Afrika waxa uu joojiyay qorshe la doonayay in 5,000 (Shan kun) oo askeri loogu diro dalka Burundi, si wax looga qabto xaaladda cakiran ee dalkaasi.

Waxayna taasi bedelkeeda doorteen in wafdi heer sare ah loo diro Bujumbura si xal la aqbali karo ay ula gaaraan madaxweyne Pierre Nkurunziza.

Qalalaasaha Burundi waxaa ku dhimatay in kabadan 400 oo qof, waxaana ku barakacday qiyaastii 230,000 oo qof.