Nabadda Afghanistan oo looga hadlayo Pakistan

Lahaanshaha sawirka b
Image caption Taliban ayaa bilihii dambe kordhiyay weerarradooda

Wufuud ka kala socota afar dal ayaa kulmaya markii saddexaad bil gudaheed si ay uga shaqeeyaan wadaxaajoodka nabadda looga dhalinayo Afghanistan.

Balse waxaa kulanka oo ay leeyihiin Afghanistan, Pakistan, Mareykanka iyo Shiinaha ka maqan ururka Taliban.

Xafiiska ku xigeenka hogaamiyaha Afghanistan, Abdullah Abdullah, ayaa sheegay in dowladiisa ay si weyn ugu baahantahay natiijo laga gaaro colaadda dalkaasi ka taagan.

Sartaj Aziz, oo Pakistan kala taliya arrimaha dibedda ayaa sheegay in hadda la joogo xilligii qaar badan oo ka tirsan Taliban lagu qancin lahaa in ay nabadda qaataan.

Taliban ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojiyay weerarradooda ka dhanka ah dowladda, waxaana Isniintii lasoo dhaafay ay qarax ismiidaamin ah ku dilen 20 qof oo ku sugnaa caasimada Kabul.