Baaritaan lagu sameynayo weerarrada Calais

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kumannaan muhaajiriin ah ayaa ku nool xerada u dhow Calais

Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa baaraya ugu yaraan 6 weerar oo lagu qaaday muhaajiriin ku nool xero kumeel gaar ah oo ay doonaayaan in ay uga gudbaan dalka Britain.

Xerada ayaa ku taalla meel u dhow dekadda Calais.

Mutadhawiciin sharci yaqaano ah ayaa sheegay in tirada weerarrada ka dhanka ah muhaajiriinta ku nool xerada oo lagu magacaabo "the Jungle" ay sii kordhayaan.

Nin ka mid ah qaxootiga Suuriyiinta ah ayaa sheegay in asaga iyo laba saaxiibadiisa ah ay weerar kala kulmeen rag Faransiis ah oo wajiga soo xirtay.

Qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in haddii ay booliska u cawdaan loo tarxiilo dalalka ay ka yimaadeen.

Ku dhawaad 5 kun oo muhaajiriin ah ayaa ku nool xeradaasi, waxaana ay isku dayayaan in ay gaaraan dalka UK.