Alshabaab oo laga qabsaday Marka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption AMISOM ayaa shalay isaga baxday Marka

Magaalada Marka oo shalay ay dagaallamayaasha Alshabaab gacanta ku dhigeen ayaa saaka dib looga qabsaday, ka dib dagaal muddo gaaban socday.

Cabdirisaaq Maxamed oo u hadlay ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ayaga oo gacan ka helaya nabad ilaaliyayaasha AMISOM ay magaalada dib u qabsadeen.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in saaka uu dagaal ka dhacay gudaha Marka, balse hadda uu ka socdo dibedda magaalada.

Waxaa lagu soo warramayaa in uu dib u furmay ganacsiga magaalada, ay xaaladuna degan tahay.

Ciidammada AMISOM oo marka gacanta ku hayay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ayaa isaga baxay Jimcihii shalay ahaa.